Guddoomiye Mursal oo Tacsi u diray Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Weerarkii Kismaayo

Muqdisho-soomaali24-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Golaha Shacabka ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkii qaraxa ku bilaawday ee shalay gabal dhicii lagu qaaday Hotel Cascasey oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

Guddoomiye Mursal ayaa dadkii ku dhaawamay weerarkaas caafimaad degdeg ah u rajeeyey, isagoo samir alle uga baryey dadkii eheladooda ku waayey weerarkaas.

Al-Shabaab ayaa gabal dhicii shalay weerar qarax ku bilaawday waxa ay ku qaadeen Hotel lagu magacaabo Madiina horayna loo oran jiray Cascasey, waxaana gudaha Hotelka oo ay ku sugnaayeen dad badan toogasho ka bilaabay dagaalamayaal ka tirsanay Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa lasoo afjaray waa berigii hore ee saakay waxaana ku dhintay in ka badan 30 ruux, halka ay dhaawacyaduna gaarayaan 56 kale, dadkii dhaawacmay ayaa loo kala daabulay intoodii darneyd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

 

Hoos ka Dhageyso Tacsida Guddomiye Mursal:-

GUDOOMIYE MURSAL

Leave a Reply