Garsoorihi xukumay RW Pakistaan oo shaqadda laga eryay.

Muqdisho-soomaali24-Garsoore Sare oo Ra’iisul wasaarihii ee Pakistaan Nawaz Shariif ku xumay inuu musuq maasuq sameeyay ayaa shaqadda laga eryay waxaana lagu eedeeyay in isago cadaadis ku jira uu go’aanka xukunka gaaray.

Garsoorihii isla xisaabtanka Arshad Maalik ayaa Bishii December waxaa uu Nawaz Shariif ku xumay Todobo sano oo xabsi ah kadib markii uu sheegay in lagu helay musuq-maasuq, waxaana laga xayuubiyay waajibkii uu qaranka u hayay, sida uu sheegay Wasiirka Sharciga Faaruuq Nasiim.

Talaabadaan ayaa waxaa ay imaaneysaa maalmo kadib  markii Gabadha Nawaz Shariif  iyo hogaamiyaha xisbiga mucaaradkuba ay sheegeen in ay garsooraha si qarsoodi ah uga duubeen  muuqaal uu ku sheegay in uu Nawaz Shariif xukumay iyado la qasbayo.

Gabadhu waxay sheegtay in Garsoore Maalik uu sheegay in uusan cadeyn u heyn xukunkii aabaheed, Garsooruhuna waa diiday eedeeynta loo jediyay.

Leave a Reply