Galmudug oo ka hadashay booqashadii wasiir Sabriye iyo kulankii ay la qaateen.

Maamul Gobolleedka Galmudug State ayaa waxay soo saareen War kusaabsan wixii dhexmaray Iyaga iyo Wafdigii Wasiir Sabriye Ee Dhawaan tegay Dhuuso mareeb.

Talaadadii ayaa Wasiir Sabriye iyo Xubno ku wehliyey Safarkiisa waxay tegeen Dhuuso Mareeb ka hor inta aysan Arbacadii shalay kasoo laaban,24 Saac ay Halkaasi soo joogene.

Wasiirka markii uu Muqdisho kusoo laabtay waxa uu sheegay in yadadiilo uu ka muujinayo wixii la iskula soo hadal qaaday Kulamadii dhacay inay miro dhal ka yeeshaan.

Maanta oo Khamiis ah ayey Galmudugta Dhuuso mareeb ku shaqeysa waxa soo saareen Qoraal ay kaga hadlayaan wixi la isku afgartay.

Galmudug waxay Qoraalkeeda ku muujisey in Wasiirka Arimaha Gudaha ay war geliyeen inay ubaahan yihin Dastuurka Galmudug in lagu dhaqmo,ayna wixii tabasho ahaa ay Dawlada Dhexe la wadaageen oo ay dhankooda ka qabeen.

Leave a Reply

%d bloggers like this: