Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute Oo Soo Bandhigay Khaladaad Culus Oo La Iska Indho Tiro.

Kulan Aqoon is weydaarsi ahaa oo muddo ka socday Magaalada Muqdisho isla markaana lagu baranayey Qaabka Dembiyada loo baaro ayaa maanta la soo geban gabeeyey.

Munaasabada Xiritaanka Tababarkaan waxaa ka qeyb galay Saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa Lagu Barayey sida ugu macquulsan Ee Dembiyada dhaca loo baaro oo Si cadaalad ku jirtana dadka loogu adeego cadli iyo Xukuno Xaq ahna lagu saleeyo sida loo wajahayo Maxkamadaha gal dacweedka ay qabtaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad Ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in muhiim tahay ogaanshiyaha sida ugu muhiimsan Ee Dembi baaraha shaqadiisa uguda galayo.

Muhiimada tababarkaan ayaa la sheegay in looga goleeyahay dib uhabeynta Ciidamada Xoogga Lagu sameenayo iyo Qaabka Dembiyada loo daba galo.

Leave a Reply

%d bloggers like this: