(Faahfaahin kooban) khasaaraha ka dhashay Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Sida ciidamada Booliisku sheegeen Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo oo dhalinyaro isugu timaado, kaasoo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani.

Alaha u naxariisto Ummadda aan waxba galabsan oo argagaixisadu weerartay.

Leave a Reply