
Da’yarka kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa iyadoo kooxda inta ugu badan doonaysay ay ahayd kooxda Chelsea iyo tababare Frank Lampard.
Havertz ayaa go’aankiisa xataa la wadaagay kooxdiisa Bayer Leverkusen oo uu u sheegay inuu qorshaynayo inuu kooxda iskaga tago xagaaga.
Sida uu sheegay il-wareedka Bild, Leverkusen ayaa iibka da’yarkeedan ku dalban doonta lacag 90 Milyan oo Pound ah walow la filayo in laga wada xaajoon doono.
Warka wanaagsan ee ay jeclaysanayaan kooxaha doonaya saxeexa Havertz ee ay ugu horreyso Chelsea ayaa ah in Bayer Leverkusen ay aqbalayso in lacagtaas 90-ka Milyan ee Pound ah la siiyo wakhtiyo kala duwan oo mudo u dhaxayso.
“Heshiis ayaanu leenahay, haddii heshiiskaasi wax ku haboon yimaado isagu wuu bixi karaa xagaaga” ayuu yidhi Rudi Voller oo ka tirsan madaxda Leverkusen isla markaana sheegay in heshiis uu Kai ku baxayo xagaaga uu meesha yaalo.
Haddiiba uu Havertz u wareego Chelsea ayuu qayb ka noqon doonaa dib u dhiska weyn ee uu Frank Lampard ku samaynayo safka kooxda.
Blues ayaa xilli horeba dhammaystiray saxeexyada xiddigaha Hakim Ziyech oo Ajax kaga soo biiray iyo Timo Werner oo gool dhaliyaha RB Leipzig ahaa.