Dowladda Nigeria oo war ka soo saartay boqolaal arday oo u afduuban Booko-Haram

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in militarigeeda ay ogaadeen goobta ay ku sugan yihiin rag hubaysan oo afduub u geystay tiro ardey ah oo dhiganaysay iskuul ku yaalla gobolka Katsina ee waqooyiga dalkaasi.

Bayaan uu soo saaray Sabtidii madaxwayne Muhammadu Buhari ayaa lagu sheegay in militariga oo kaashana taageero dhanka cirka ah ay rasaas is weydaarsadeen ragga afduubka geystay goob keyn ah oo gobolkaasi ku taalla.

Dowladda Ayaa waxaa haysta cadaadis ku aadan sidii ay ula dagaalami lahayd kooxda Boko Haram ee dalkaasi ka howlgala.

Waa in xukuumadu ay muujisaa in ciidamada ammaanka ay la tacaalayaan xaaladdan adag ee halkaasi ka taagan.

Waxaa sii kordhaya carada ku aadan ammaan darada iyo dhibaaatada ay dalkaasi ku hayaan kooxda Boko Xaram ee ka howlgasha.

Waxaa xaaladda sii murjiyay ka dib markii dagaalyahanno Jihaad-doon ah ay bishii aanu soo dhaafnay tira dad beeraley ah ku dileeen gobolka Borno.

Sabtidii madaxwayne Buhari ayaa waxaa uu cambaareeyay weerarkii loo geystay iskuul ay dowladda leedahay oo lagu dhigto Seyniska kaasi oo ku yaalla Kankara islamarkana waxaa laamaha ammaanka uu ku amray inay soo qabtaan dadkii weerarka geystay.

Leave a Reply