Dowladda kenya oo ka hadashey Loolanka kala dhaxeeya Dowladda Jabuti

Muqdisho-Soomaali24-War Qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Kenya ayey uga hadashay Loolanka kala dhaxeeya Dowladda Jabuti ee ku aadan kursiga aan  joogtada ahayn ee qaramada midoobay oo labada dowladood mudooyinkii ugu dambeeyay isku hayeen cida Africa ku matalaysa.

Warkan ayaa dowladda Kenya waxay ku sheegtay in ay wali u xayiran tahay go’aan rasmi ah oo uu midoowga Africa ku kala dhex galo labada dowladood  looguna ogolaado dowladda Kenya hanashada kursigaasi.

Waxaan aad uga murugaysanahay hadalada is daba jooga ah ee aan diblo maasiyada u wanaagsanayn ee kasoo yeeraya madaxwaynaha jabuti.

21 agoosto 2019 midoowga Africa waxa ay sameeyeen go’aankooda ugu dambeeya ee ah in Kenya kursigaasi hesho waxaan sii laba laabnay ololeheena balse wali walaalaheen jabuuti ma qanacsana.

Midoowga Africa waxaa uu xariir la sameeyay dhamaan wadamada qaybta ka ah jumciyada qurumaha ka dhaxaysa iyaga oo ku qanciyay in Kenya ay u sharaxan tahay kursiga aan joogtada ahayn taasi waxaa ay muujinaysaa inaysan jirin sabab ay walaalaheen jabuuti uga soo hor jeestaan hamigeena.

Dowladda  Jabuuti ayaa horay u shaacisay in ay san marnaba ka tanaasuli doonin musharaxnimadeeda kursiga aan joogtada ahayn ee qaramada midoobay.

 

Leave a Reply