Dowlada Iraan oo xabsiga dhigtay dadkii ka dambeeyay diyaaradi la soo riday ee Ukraine.

Muqdisho-Soomaali24-Dowlada Iraan ayaa shaacisay in ay xabsiga dhigtay dadkii ka dambeeyay diyaaradi la soo riday ee laga lahaa dalka Ukraine.

Afhayeen u hadlay garsoorka dalka Iraan ayaa sheegay in xubnaha xabsiga la dhigay la horkeeni doono maxkamad si loogu qaado dambigaas ay gaysteen.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii diyaarad laga lahaa dalka Ukraine ay ku soo dhacday gudaha dalka Iraan waxaana diyaaradaasi ku dhintay dhamaan dadkii saarnaa oo tiradoodu ay ahayd 176 qof.

Leave a Reply