Dooni siday muhaajiriin badan oo ku dagtay biyaha dalka Turkiga.

Muqdisho-Soomaali24-Dooni siday muhaajiriin kasoo jeeda wadamada Pakistan, Bangladesh, iyo Afghanistan ayaa ku dagtay herada Faan ee bariga  dalka Turkiga.

Masuuliyiinta ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan todobo ruux ay dhinteen.

Herada ay doonida ku dagtay ayaa u dhaw xadka dalka Iran, halkaasi oo ay kasoo gudbaan muhaajiriin doonaya in Turkiga ay usii maraan wadamada qaaradda Yurub.

Lixdan iyo afar ruux ayay wararku sheegayaan in doonida laga soo badbaadiyay kuwaasi oo loo qaaday isbitaalada halkaasi ku yaala.

Walina macada sababta ka danbeesay in ay doonidani ay dagto.

Leave a Reply