Diyaarad ay leedahay dowladda Suuriya oo lagusoo riday gobolka Idlib.

Muqdisho-Soomaali24-Diyaarad milatari oo ah nuuca qumaatiga ukaca ee helicopter’ka ayaa lagusoo riday waqooyi galbeed dalka Suuriya, halkaasi oo ay kasoconayaan dagaalo oo ay dowladda Suuriya ku dooneyso in ay dib ugu qabsato goobahaasi.

Warbaahinta qaranka ee dalka Suuriya ayaa ku warantay in diyaaraddu uu haleelay gantaal xilli ay mareesay magaalo ku taalo galbeedka baadiyaha Xalab.

“Arintan ayaa keentay in helicopter’ku uu bur buro, ayna dhintaan dhamaan shaqaalihii saarnaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay warbaahinta qaranka Suuriya iyadoona aan faahfaahin dheeraada laga sii bixin qaabka uu shilka u dhacay.

Falaagada lamagac baxday dib u xoreenta qaran ayaa sheegatay masuuliyada weerarka diyaarada looga soo riday dowladda Suuriya.

Leave a Reply