Dibadbaxyo dib uga qarxay dalka Sudan

Wararka ka imaanaya dalka Sudan ayaa sheegaya magaalooyinka waa-weyn ee dalkaasi oo ay ugu horayso caasimadda Khartuum ay dibad baxeyaal caraysan isugu soo baxeen.

Dadka dibadbaxayaasha ayaa codsanaya in is bedel dhab ah lagu sameeyo hanaanka siyaasadeed ee dalka lagu hoggaamiyo, iyaga oo ku doodaya inay weli awooda dalku ku koobantahay gacanta hal koox.

Iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah hoggaanka dalkooda ayey xireen wadooyin muhiim ah ee Khartuum, halka sidoo kalena ay shaaciyeen in aysan guryahooda ku laaban doonin, illaa ay wax iska bedelaan nidaamka ay wax ku socdaan.

Booliska ayaa isku dayey inay dadkaan kala eryaan, iyaga oo adeegsanaya Sunta dadka ka ilmaysiisa, hase ahaatee taasi waxaa ay sababtay isku dhacyo aan khasaare laga soo werin oo labada dhinac dhex maray.

Ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka hadlo dibadbaxeyaasha markale isbadalka dalbanaya iyo halka ay dowladda xalkooda ka raadin doonto.

Leave a Reply