Dhismaha Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo labilaabay.

Muqdisho-soomaali24-Iyadoo saakay lagu waabareystay xiraanshaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Shabeellada Hoose ayaa Weriyaal gaaray goobta waxa ay soo ogaadeen sababta ka dambeysa inla xiro guud ahaanba waddada Muqdisho kasoo gasha dhanka gobolka Shabeellada Hoose.

Waxa ay sheegeen Weriyaashii gaaray halkaas in saakay la bilaabay dhismaha waddada dheer ee xiriirisa Gobolada Shabeellada Hoose iyo Banaadir, taas oo bilo ka hor ay dhagax dhigtay dowladda Qatar oo sheegtay in ay dhisi doonto laamiga xiriiriya Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wali wax war ah oo ku aadan xiritaanka waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye iyo bilaabashada dhismaha waddadaas kama soo bixin dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply