DEG DEG: Xubnaha Golaha Shacabka oo sabtiga kulan aan caadi ahayn yeelanaya (AQRISO).

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa iskugu yeeray xubnaha aqalka Golaha Shacabka inay soo xaadiraan fadhi gaar ah oo aan caadi aheyn oo maalinta Sabtida ay yeelanayaan Xildhibaannada.

Fadhigan aan caadiga aheyn ayaa waxaa Golaha Shacabka kula hadlaya Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu sheego inuu dib loogu noqonayo heshiiskii doorashada ee 17 September, isla markaana looga laabto muddo kororsigii labada sano.

Xildhibaannada dalka dibadiisa ku sugan iyo kuwa gobolada dalka ku maqan ayaa la faray inay si degdeg u soo galaan Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhiga aan caadiga aheyn ee maalinta Sabtida.

HALKAAN HOOSE KA AQRISO QORAALKA

Ku xidhnow Soomaali 24 Media Network (Warbaahin xog ogaal ah)

Leave a Reply