DEG DEG, Ciidamada Dawladda Federalka oo gudaha u galay idaacadda Mustaqbal (AQRISO)

Ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federalka Soomaaliya oo saakay arroortii galay xarunta Idaacadda Mustaqbal, ayaa qaatay dhamaan qalabkii idaacada.

Ciidamada ayaa wararku sheegayaan inay qaateen qalabkii muuqaalada lagu duubi jiray ee idaacadda waxay sidoo kale burburiyeen qaar ka mid ah computeradii ay idaacadu ku shaqaynaysay.

Sidoo kale ciidankaan ayaa jirdil iyo handadaad u geestay xubno kamid ah shaqaalaha idaacadda, sida uu xaqiijiyay maamulka Idaacadda Mustaqbal.

Maamulka idaacadda ayaa dawladda ka codsaday inaysan qaadin tallaabo xun oo wax loogu dhibayo shaqada ay bulshada u hayso warbaahintu.

Ku xidhnow Soomaali 24 Media Network (Warbaahin xog ogaal ah)

Leave a Reply