Dad loo soo qabtay qaraxii ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug saacadihii u dambeeyey waxaa ka socday howlgallo culus, kuwaas oo bilaawday fiidkii hore ee xalay, kadib markii la weeraray ciidamo ka tirsan booliska Puntland.

Saraakiil ciidamada booliiska Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaas ay ku soo qabteen dad looga shakisanyahay inay ku lug lahaayeen weerarkaas.

Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, halka ugu yaraan laba askari ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Bam-gacmeed oo xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha booliska Puntland ayaa sheegay in seddax qof ay u soo qabteen falkaas, kuwaas oo haatan ay baaritaano ku wadaan.

Ciidamo ka tirsan booliska Puntland ayaa xalay lagu weeraray bam-gacmeedkaas, xilli ay ku jireen roondo, waxaana ku dhaawacmay laba askari, hal qof shacab ah uu ku geeriyooday.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, balse Al-Shabaab ayaa horay dusha ugu ritay mas’uuliyadda dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Leave a Reply