Dad doonaya doorashooyin cadaalad ah oo isugu soo baxay Moscow

Muqdisho-soomaali24-In ka  badan 20,000 oo banana-baxyaal ah ayaa isugu soo baxay Magaaladda Moscow iyagoo dalbanaya doorashooyin xor iyo xalaal ah in laga qabto caasimadda Ruushka.

Dibad-baxayaashu waxay sidoo kale ku baaqayeen in musharixiinta mucaaradka loo ogolaado in ay isu diiwaan geliyaan codbixinta Bisha September.

Masuuliyiinta doorashadda ayaa diiday in ay musharixiinta mucaaradka u diiwaan geliyaan in ay doorashadda ka qayb galaan iyagoo ku xiray in Musharax walba uu la yimaado 5,ooo oo sixiix.

Hogaamiyeyaasha mucaaradka oo uu ku jiro ninka ugu caansan ee Alexei Navalny ayaa ku biiray dadkii mudaharaadayay.

Dadka mudaharaadyadda soo abaabulay waxay sheegeen in Dowladda  Vladimir Putin ay ku qaldantahay in ay sixiixa taageerayaasha ku xirto musharixiinta. Ku dhawaad 30 musharax ayaana laga reebay in ay doorashadda u tartamaan.

Leave a Reply