Daawo: Wasiir Oomaar oo ka sheekeeyey shakhsiyadda Farmaajo, weerarayna Axmed Madoobe

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa bixiyey wareysi uu uga hadlay seddax dhinac oo kala ah, arrimaha Jubbaland, taageerada uu u hayo Farmaajo iyo shaqadii wasaaradda intii uu hayey xilka.

Ugu horeyn Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shaqo baaxad leh uu ka soo qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, taas oo ay ugu weyneed soo wareejintii maamulka hawada Soomaaliya oo Nairobi laga maamuli jiray.

Sidoo kale wareysigaan oo Wasiir Oomaar uu siiyey TV-ga Universal wuxuu aad ugu dheeraaday ka hadalka arrimaha Jubbaland, isagoo sheegay in maamulkaas oo wajahayo dib u dhac weyn, wuxuuna aad u eedeeyey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Oomaar oo la weydiiyey inuu ka tanaasulay damiciisii hoggaanka Jabbaland, wuxuu cadeeyey in weli damacaasi uu ku jiro, isagoo sheegay in dadaal badan ay ku bixinayaan sidii maamulkaas looga saari lahaa gacanta Axmed Madoobe.

Mar uu soo hadal qaaday shakhsiyadda Farmaajo wuxuu ku tilmaamay nin aad u wanaagsan oo hadii uu cod leeyahay uu maanta dib u dooran lahaa.

Oomaar ayaa qiray intii Farmaajo xukunka joogay inay dalka ka dhaceen gabood fallo waaweyn, balse wuxuu ku andacooday in bini’aadamka ay wax ka qaldami karaan, laakiin inta uu Farmaajo ka bartay uu yahay nin leh shakhsiyad hoggaamiye sida uu hafdalkiisa u dhigay.

Hoos ka Daawo

Leave a Reply