Daawo: Odayaasha dhaqanka Hawiye oo warqad cabasho ah u gudbiyey R/Wasaare Rooble

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay odaysha dhaqanka beelaha Hawiye la yeesheen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankaas waxay odayaashu ugu gudbiyeen Ra’iisul wasaaraha tabashooyinka ay beelaha Hawiye ka qabaan siyaasadda dalka, sida ay waxgaradku warbaahinta la wadaageen.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen arrimo badan.

Sidoo kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay inay ra’iisul wasaaraha la wadaageen warqad ay ku qoranyihii waxyaabaha ay tabanayaan beelaha Hawiye ee dowladda looga baahanyahay inay wax ka qabato.

“Kulan dheer iyo falanqeyn kadib, waxaan ku balanay in gogoshan aysan xirmi doonin ilaa inta laga xalinayo cabashada aan u gudbinay dowladda, oo u badan rasida taalla gobolka Banaadir iyo wal-walka aan ka qabno doorashada dalku gelayo” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

“Xaqiiqdii hadaan nahay odayaasha beelaha Hawiye cabashadii aan qabnay waan la wadaagnay ra’iisul wasaaraha, isaguna waa nala hadlay, walaac badan oo aan qabnayna waa uu daaweeyey, erayadiisii waxaa ka mid ahaa ‘war aniga wax kale meesha uma joogee, adinkaan qowsaar idiin ahaye, miyaadnaan igu kalsooneyn ayuu nagu yiri’ marka xaqiiqdii meeshu ma marna oo ragbaan noogu jira, hadana beelahan waxa ay ka baqayaan waa wax jira oo meesha siyaasadbaa lagu jiraa” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah odayaashii goobta ka hadlay.

Hoos ka Daawo

Leave a Reply