Daawo Golaha Wasiirada Soomaliya oo maanta yeeshay shir looga hadlaayay Amniga

Muqdisho-Soomaali24-golaha wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen siyaasadda dalxiiska dalka oo ay xukuumadda usoo gudbisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Ansixinta siyaasadda kadib, ayaa Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare XASAN Cali Kheere waxaa sidoo kale looga hadlay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, dhammeystika dastuurka iyo barnaamijka deyn cafinta.

Wasaaradda aminaga oo golaha u soo bandhigtay warbixin amni oo faahfaahsan ayaa caddeysay in tallaabooyin isku xiran oo sanadkan la qaaday ay horseedeen natiijooyin wanaagsan, ayna in ka badan kala bar hoos u dhaceen qaraxyadii argagixisadu ka geysan jirtay geyiga Soomaaliya iyo dhibaatooyikii ay ummadda Soomaaliyeed ugu geysan jireen, marka la barbar dhigo sanadkii 2018.

Fadlaan Halkan ka Daawo Muqalka Shirka Subiscribe dheh Chanalkaan.

Leave a Reply