DAAWO Gabadhii Dowladda Somalia ku wareejisay denmark oo laga hadalsiiyay

 Muqdisho_Soomaali24 Taliye ciidanka booliska Somalia Zakiya oo ahayd qofka wareystay gabadhan oo lugu magacaabo Amaal nuur Cismaan ayaan ugu horreyn weydiisay.

Da’deeda inta sano oo ay jirto waxayna ugu jawaabtey 18 Sano ayaan jiraan sidoo kale waxay su’aashey Somalia muddo intee la’eg ayaad joogtaa hal sano iyo toddoba bilood aye ugu jawaabtey.

Waxay kale oo weydiisay meesha ay uga noolayd Somalia waxayna usheegtay inay xero dhaqan celin ku jirtay muddo sanad iyo seddax bilood ah ugu dambayna ay kasoo baxsadeen ayada iyo gabdho kale oo naqshadda fakashada isla dejiyay.

Taliye zakiya oo su’aalaheedii sii wadata ayaa weydiisay in ay jiraan afduub loo geystay ciidamo ay la xiriirtay amaal ayaana usheegtay inaysan jirin wax ciidan ah oo ay la xiriirtay iyo sidoo kale Afduub loo geystay.

 

Ugu dambayn taliye zakiya ayaa weydiisay hadda waxa ay ku qanacsantahay iyadoo gabadhuna ay sheegtay inay doonayso in ay ku laabato dalkii laga keenay oo ah Denmark.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka gabadha 

 

 

Leave a Reply