Ciidamada Jubaland oo la wareegay deegaan hoos yimaada degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada maamulka Jubaland ayaa wareer qurshaysan ku qaaday xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka xagar ee gobolka jubada Hoose.

Ciidamada ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xagar ee Degmada Afmadow ka dib iska hor imaad kooban dhex maray ayaga maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab halkaasi ku sugnaa.

Af-hayeen u hadlay ciidamad jubaland ayaa sheegay inay si dhib yar kula deegaanka isla markaana aysan jirin wax iska caabin sidaa u sii weyn ah oo ay kala kulmeen Al-shabaab.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka inkastoo ay masuuliyiinta ciidamada jubaland sheegeen inay wax qasaare ah soo gaarin dhankooda.

Al-shabaab ayaa iskaga cararay deegaanka ka dib is rasaasayn kooban oo dhex martay ayaga iyo ciidamada jubaland oo mudooyinkii danbe ku haawlanaa sidii ay Al-shabaab uga qabsan lahaayeen deegaanada ay maamulaan ee jubooyinka.

Leave a Reply