CC Shakuur “Booga ay Villa Somalia wax ka fiirsato waxaa laga soo min guuriyaa Addis”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay ka hadlayay munaasabad uu Xisbigiisa Wadajir ku qabtay magaalada Muqdisho laguna xusayay 1-da Luulyo ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan siyaasadda dalka iyo arrinta metelaada Muqdisho.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in buugga Villa Somalia wax ka fiiriso laga soo minguuriyay Addis Ababa, isla markaana tallaabooyinka uu qaado Abiy Axmed wax badan looga daydo.

Mar uu si kaftan uga hadlayay xariggii Jawar Mohamed oo ahaa Mucaaradka Abiy Axmed oo shalay lagu xiray Addis Ababa ayuu sheegay in taas oo kale ay dhici karto, in Villa Somalia dadka ka soo horjeeda in iyagana la xiro.

“Buugga Villa Somalia wax ka fiiriso, waxaa laga soo miinguur Addis Ababa, nin ayaa maanta isoo wacay oo ka mid ah dadka arrimaha geeska afrika aad ula socdo, markaasuu i yiri ninkii Jawar Mohamed in la xiray ma maqashay, Jawar waa nin hoggaamiya mucaaradka Itoobiya, markaasaa ku iri haa waa arkay adiga lagu soo socdaa is ilaali ayuu i dhahay, maxaa yeelay Abiy Axmed hadduu xiray ninkii ka soo horjeeda, Villa Somalia shaqo kale ma qabaneyso dadka ka soo horjeeda ayay xireysaa, meeshaas laga soo qaataa tilmaamaha ee hala is jiro, marka haleyga warqabo yaan mar labaad la is gaadinee”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Mar uu soo had qaaday matalaada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la helo metelaad iyo maqaam isla socota oo aan loo baahneyn in lagu soo kordhiyo Senator fake ah oo cida magacaabeysa aan la ogeyn, maadaama gole deegaan aysan jirin. Sida uu sheegay Cabdiraxmaan

Hoos ka Daawo

Muxuu ka yari Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir kuraasta 13 ka ah ee Aqalka Sare laga siiyay Mogadishu?

Posted by Wadajir Party on Tuesday, June 30, 2020

Leave a Reply