Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay nin loo heysto kufsigii iyo dilkii Xamdi oo lagu qabtay Cadaado

Taliska booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud lagu qabtay nin lagu tuhmayo in uu ka mid ahaa rag kufsi iyo dil Muqdisho ugu geystay Allaha u naxariistee Xabdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar da’yar.

Taliye ku xigeenka labaad ee booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga waxay ku sheegtay in Maxamed Ibraahim Cismaan oo ku eedeysan falkaas xalay lagu qabtay Cadaado.

“Ciidanka Booliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku  soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib” ayey ku tiri qoraalkeeda.

Sidoo kale Taliye Zakiya ayaa uga mahad celisay “Shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa” sida ay sheegtay.

Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in 11-qof loo hayo falkaas, isla markaana lagu daba jiro laba eedeysane oo kale, baaritaanka arrintaasna uu meel wanaagsan marayo.

Leave a Reply