Booliska Dalka Thailand ayaa gacanta ku dhigay haweenay siday daroogo.

Haweenaydan oo Boolisku ay sheegeen in ay u dhalatay dalka Kenya, ayaa waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee dalkaasi, kadib markii ay ka shakiyeen Boolisku.

Baadhitaanno kala duwan oo la marsiiyay ayaa waxaa lagu ogaaday in ay jirkeeda, gaar ahaan caloosheeda ay ku waday daroogo nooceeda loo yaqaano Kooko’iinta.

Booliska ayaa shir jaraa’id ay qabteen waxa ay sheegeen in ay ogaadeen in ay dhan tahay daroogadaasi 1.2 Kg, kadib markii qalliin caloosheeda lagu sameeyay oo laga soo saaray.

Inkasta oo aan haweenaydan magaceeda la shaacin, ayaa waxa ay sheegeen in ay sharciga horgayn doonaan.

Muddooyinkii dambe, ayaa waxaa ku soo badanayay dalka Thailand, dadka sida sharci darrada ah kusoo geliya maandooriyaha kala duwan, kuwaas oo boolisku ay si gaar ah ugu raadjoogeen soo qabqabashada dadka lagu tuhmo in ay ka ganacsadaan maandooriyaha.

Leave a Reply