Biden oo weerar afka ah ku qaaday Donald Trump

Musharaxa xilka madaxweynenimo ee Mareykanka, Joe biden ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha xilka haya ee dalkaas, Donald Trump.

Joe ayaa Trump ku eedeeyay in si aan wanaagsaneyn uu u maareeyay xanuunka corona. Mar uu ka hadlayay magaalada uu kasoo jeedo ee Wilmington waxaa uu sheegay in dedaalkii ay soo sameeyeen shacabka Mareykanka uu hal bacaad lagu lisay ka dhigay madaxweyne Trump oo uu sheegay in uu iska indha tirayo tallooyinka caafimmaad ee ay soo jeediyeen seynisyahanada.

Waxaa kale oo uu sheegay in uusan wax olole ah qabanin doonin inta uu jiro feyraska corona.

“Xilligan waa xilli aanan horay loo arag dunida casriga ah,” ayuu yiri Biden oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay.

“Bil ba bisha ka dambeysa ,hogaamiyeyaasha caalamka waxay qaadayaan tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka, Donald Trump na waa uu ku guuldarreystay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Biden.

Madaxweyne Trump ayaa isu soo bax uu ku qabtay magaalada Tulsa ee Oklahoma bishii aynu soo dhaafnay waxaa ka qeybgalay dad aad uga yara intii la filayay, waxaana markii dambe kooxdiisa ololaha doorashada ay ku dhawaaqeen in aanay qaban doonin olole dambe.

Ra’yi uruurin la sameeyay ayaa muujineysa in Biden uu aad ugu horeeyay dhanka saadaasha doorashada Mareykanka ka dhici doonta dhammaadka sanadkan, waxaase waxwalba ay kala caddaan doonaan marka la gaaro bishan Nofembar ee sanadkan.

Leave a Reply