Beesha Majeerteen oo saakay yeelanaysa kulan ka dhan ah Dowladda Soomaliya iyo qilafka oo xoogeystay

Muqdisho-Soomaali24-Waxaa saakay Magaalada Boosaaso ka socda qaban qaabada shirweyne ay iskugu imanayaan dad ka soo jeeda maamulka puntland.

Shirkaan uu iclaamiyay dhawaan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi dani ayaa waxaa lagu wada in looga hadlo khilaaf sii xoogeystay ee u dhaxeeya puntland iyo dowladda federaalka iyo arimo kale,

Kulankaan ayaa waxaa laguwada in ay goob jog ka ahaadan xubno ka socda labada gole ee baarlamanka soomaaliya deegaan dorashadooduna ay tahay puntland siyaasiyiin waxgarad iyo masuuliyiinta  ugu saree madaxda maamulkan.

Qilaaf dhanka waxbarashada ah ayaa haatan waxa uu u dhaxeeyaa puntland iyo dowladda dhexe iyadoo warqad ka soo baxday madaxtooyada puntland maalmo ka hor lagu qaadacay sharciga patroolka  oo soo ansixiyeen xildhibanada labada gole saxiixayna madaxweyanaha Soomaaliya.

Dowladda ayaa diiday in ardayda ka soo qalanjibisa deeganbada maamulkaa in ay siiso wax shahaado ah iyada oo ku anda cooneysa inyasan galin wax imtixaan dowladadeed ah.

 

Leave a Reply