Bangiga Adduunka oo mar kale malaayiin dollar ugu deeqay Soomaaliya

Bangiga Adduunka ayaa markale ugu deeqay Soomaaliya lacag dhan 40 milyan oo dollar, taas oo ay saxiixeen guddiga agaasimeyaasha Bangiga, waxaana lagu xusay qoraal kasoo baxay in lacagtaas lagu caawinayo dadaalada hormarineed ee Soomaaliya ka socda.

Qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in lacagtaas ay qeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollada qaar ee dalka.

Warbixinta Bangiga Adduunka waxaa kaloo lahu sheegay in lagactaas loogu deeqay Soomaaliya ay qeyb ka tahay barnaamijka jawaab celinta deg dega ah ee looga hor tegayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u diyaar garowga ee dalalka dhaca qaaradda Afrika iyo Bariga Dhexe ee wax-yeelladu ka soo gaartay Ayaxa ku habsaday.

Bangiga Adduunka ayaa sidaan oo kale bartamihii bishan Soomaaliya ugu deeqay 55 milyan oo dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2020-ka.

Leave a Reply