Axmed Madoobe oo ka hadlay metelaada Muqdisho iyo doorashooyinka dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada koonfureed ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee waqooyi iyo koonfur.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in khilaafka mudada dheer ka taagan arimaha masiiriga ah ee dalka ay yihiin kuwo mar walba dib u dhigaya xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay fursad siineyso Al-Shabaab.

Sidoo kale madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in khilaafaadyada jira  lagu xaliyo wixii uu sharciga dalku qeexayo, iyadoo mar walba ay muhiim tahay siyaasadda loo dhan yahay oo dhamaan dhinacyadu ay isku raacsan yihiin.

Mar uu soo hadal qaaday maqaamka Muqdisho waxa uu sheegay in caasimadda Soomaaliya ay xaq u leedahay maqaam iyo maaamuus gaar ah, iyadoo dastuurku uu qeexayo hanaanka loo marayo, hasa yeeshee sida haatan wax lagu wado ayuu sheegay inay tahay wadadii la isaga hor keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Daawo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa ka qaybgalay Munaasabada kooban oo lagu…

Posted by Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland on Tuesday, June 30, 2020

Leave a Reply