
Muqdisho-Soomali24-In ku 40 Xildhibaan oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa mooshin xilka qaadis madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare u gudbiyey gudoonka baarlamaanka.
Xildhibaannada ayaa madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeeyay qodoba kala duwan oo ay ku jiraan xil-gudasho la’aan iyo in uu ku fashilmay ilaalinta Amniga iyo xasilinta Nabad-gelyada degaannada Hirshabeelle.
Mudanayaasha mooshinka diyaariyay ayaa ayaa maanta kulan la qaatay gudoomiyaha baarlamaanka hirshabele iyo ku xigeenadiisa waxaaney u gudbiyeen warqad ay ku saxiixanyiheen magacyada xildhibaanada mooshinka gudbiyey.
Hadaba xildhibaan C.raxmaan maxamed guure ayaa goordhaw arintaan warbaahinta uga waramay